Laamaaha amanaka Jubbaland ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen ka dib howlgal dhanka xeebta ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo oo lagu bartilmaameedsanayey Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada sida ay warka ka soo baxay loo dhigay.
Ciidamada Booliska maamulka Jubaland, gaar ahaan kuwa gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in hawlgalada lagu bartilmaameedsanayay maandooriyaha xashiishka ka xeebaha Kismaayo, waxaana howlgalka oo si gaar ah dhacay xeebta Calanleey ay ku soo bandhigeen kiishash 76 kiilo, labo doon oo siday iyo 6 ka mid ah ragii waday.
Booliska ayaa sheegay in raggaan la qabtay ay rabeen in ay si qarsoodi ah ku soo galiyaan gudaha magaalada, balse ay ka hortageen.
Hogaanka ciidamada howlgalka sameeyey ahna Afhayeenka Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka dib markii laamaha ammaanku heleen xogo la xiriirta daroogo magaalada ku soo wajahan ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan xashiish dhan 76 kiilo iyo 6 nin oo daroogadaas waday.
HBN ONLINE TV

