Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ayaa shir seddex geesood ah kula leh Madaxweynayaasha Masar Cabdulfataax Alsiisi iyo Eritrea Asias Afwerk, waxaana la sheegay in kulankooda looga hadlayo xaaladda Gobolka iyo xasilloonida marin biyoodka Badda Cas.
Shirkan seddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Masar iyo dowladda martida looyahay ee Eritrea uga socda magaalada Caasimadda ah ee dalkaasi ayaa looga hadlayaa xiisadda ka taagan bariga Afrika ee muddooyinkii ugu dambeyey gabiga ka laalaaday.
Soomaaliya oo garab Ciidan ka heleysa labadaan dowladood ayaa kulankooda imaanaya, iyada oo uusan fiicneyn xiriir kala dhexeeyay xukuumadda Addis Ababa, waxaan tani abuureysa tuhunka ah in Muqdisho ay wado in xulufo ka abuurto geeska Afrika.
Kulanka oo aan wax badan la ogeyn ayaa dowladd Soomaaliya sheegtay in si gaar ah diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaale, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, waxaana muuqata in ay ka faa’iidaysaneyso taageeradda mar la aragga ah ee ay ka heleyso xulufadeeda hiil ula heelan.
Shirka waxaa sida aad ah uga careysan Itoobiya, sida ay warbaahinta gudaha ku soo warameyso, taasi oo ay ku diidan tahay in garab istaag loo muujiyo Soomaaliya oo wajaheysa culeyso is biirsaday oo gudaha iyo dibedda ah.
Masar ayaa si cad u sheegtay in Soomaaliya ay ka garabsiineyso ilaalinta madaxbaanindeeda dhuleed, midnimada iyo wadajirka dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay Masar hub aad u badan dhamaadkii bishii Septembar, ka dib markii magaalada Muqdisho uu ku soo xirtay Markab gaar ah oo dalkaasi uga keenay saanad ciidan nuucyadeeda kala duwan.
Waxaa uu daba socda shixnad saanad ciidan ah oo isla Masar ka soo galay Soomaaliya, wax ka yar laba todobaad ka dib heshiiskii 14-kii Agoosto ee Al Sisi iyo Xasan Sheekh ku dhexmaray Qaahira.
Dowladda Eritrea ayaa dhankeeda Soomaaliya ka taageerta tababarada kala duwan ee Ciidamada Xoogga dalka, waana dalka kaliya Afrika ee Ciidamda ugu badan u soo tabababaray, ka dib burburkii dalka.
Waxaa isha lagu hayaa waxaa ka soo bixi doono kulankan xasaasiga ah ee ka socda Asmara oo aan xog badan laga ogeyn.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

