Xisbiga Kulmiye oo wadani ku eedeeyey in uu Kaararka cod bixiyaasha ah iibsanayo

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku eedeeyey xisbiga loolanka adag uu kala dhaxeeyo ee wadani in uu iibsanayo waa sida uu hadalka loo dhigaye kaararka codadka doorashada inta lagu guda jiro ololaha doorashada.

Wasiirka arimaaha gudaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo khudbad uga jeedinayey magaalada Burco boqolaal shacab iyo taageerayaasha xisbiga isugu jira ayaa sheegay in Xisbiga Wadani uu ka iibsanayo sida hadalka uu u dhigay meelaha Kulmiye ku badanyahay kaararka, kuwaa oo uu tilmaamy in burburinayo codadka taageerayaashooda.

“Kaadhadhka waa la iibsanayaa Waddani ayaa iibsanaya, meelaha kulmiye ku badan yahay ayaa laga iibsanayaa, waa la gubayaa, codkiinaa la burburinayaa” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin oo aan soo bandhigin caddeymo arrimahaasi muujinaya.

Waxaa uu ku dooday Wasiir Kaahin in uusan aqbali karin xisbiga Kulmiye in lagu tunto xaquuqda dareenkiisa iyo siyaasaddiisu dadka Somaliland sida in Kaarkiisa la gubo, isaga oo tilmaamay in dad badan u xirxiranyihiin lana haayo cadeynta dhacdadaasi.

Ilaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay xisbiga Wadani ee ku aadan eedeynta uu u soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland.

Kulmiye ayaa luminayey todobaadyadii ugu dambeyey xubno muhiim ah oo xisbiga ka dhex muuqday, waxaana ay qaarkood ay sheegeen in ay ku biireen xubnaha is bedel doonka ah ee dhanka mucaaradka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed