Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 60 Alshabaab ah ku dishay Galmudug iyo Hirshabeelle

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgalo duqeyn ah oo ka dhacay deegaanno katirsan Gobollada Galgaduud & Shabeelaha Dhexe, iyadoo sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 60 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu dilay xubno katisan ‘Alshabaab oo gaaraya ilaa 59 xubnood, fulinta howlgalkaan ayaa ku dhacay sida hadalka loo dhigay xogo ay iska kaashadeen Ciidamada Xogga Dalka, Kuwa Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka gacansiiyey duqeymaha.

Howlgalka 1-aad waxa uu ka dhacay aagga Garilay oo u dhow Deegaanka Coosweyne ee Gobolka Galgaduud, sida Warbixinta ku xusan waxaa lagu dilay 32 ruux oo katirsan Alshabaab, halka dhanka Ciidankii fuliyay ay ka geeriyoodeen 4 Askari.

Howlgalka 2-aad ayaa isna ka dhacay Tuulada Yaaqle ee u dhow Deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana Dowladdu sheegtay in ay ku dishay 27 dagaalame oo Alshabaab katirsan.

Warka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas lagu daray in ujeedkii laga lahaa howlgalladaas laga gaaray, mar haddii sida hadalka loo dhigay la burburiyay goobihii ay isku uruursanayeen Alshabaab, isla markaana laga hortagay weerarradii lagu abaabulayay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed