Miliatry-ga Israaiil oo sameyeey dhoolatus sida in ay weerar ku qaadeen Iiraan.

Ciidanka Cirka ee Israa’iil ayaa dhoolatus milateri ku sameeyay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo isugu jiray duullimaadyo fog-fog oo ay sameyanayan diyaaradaha dagaalka, shidaalka oo ay hawada ku qaadanayaan iyo iyagoo weerarraya bartilmaameedyo fogfog.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday jariirada Israel Today, dhoolatusyadan ayaa ku soo aadaya iyadoo loo diyaar garoobayo weeraro suurtagal ah oo lala beegsado xarumaha ciidamada Iran.

Dhiniciisa, wargeyska Maraykanka ah ee “The New York Times” ayaa warbixin uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Israa’iil ay u badan tahay inay diiradda saarto – haddii ay dhacdo in ay weerar ay ku qaado Iiraan bartilmaameedka xarumaha milatariga iyo goobaha sirdoonka Iran, iyada oo dib loo dhigayo duqaynta xarumaha Nukliyeerka Iran ilaa waqti danbe.

Dib u dhacan ayaa yimid ka dib dood dheer oo dhex martay mas’uuliyiinta Israa’iil oo ku saabsan waxtarka duqeynta xarumaha Nukliyeerka ee Iran, iyadoo qaarkood ay shaki ka muujiyeen awoodda Israa’iil ay u leedahay in ay waxyeello xooggan gaarsiiso xarumahaas iyada oo aan la helin taageerada Mareykanka.

Qorshayaasha hadda socda ayaa diiradda saaraya in la beegsado saldhigyada ciidamada Iran iyo goobaha sirdoonka lagana yaabo in aan la bartilmaameedsanin xarumaha Nukliyeerka, iyadoo laga shakisan yahay in weerarka uu khasaare weyn u geysan karo xarumahan.

Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa ku baaqaya in tallaabo degdeg ah laga qaado Iran, maadaama ay aaminsan yihiin in xilligan ay ka dhigan tahay fursad aan horay loo arag oo wax looga beddelayo isu dheelitirka awoodda bariga dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay Israa’iil inay beegsato goobaha Nukliyeerka ee Iran ama xarumaha tamarta, isagoo ka dalbaday in jawaab kasta oo laga bixiyo weeraradii Iran dhowaan ay ku qaaday Israaiil ay noqoto mid “u dhiganta” weeraradaas.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhiggiisa Israel inay ka fogaadaan inay uga sii daraan xaaladda.

Inkasta oo uu Maraykanku digniino ka soo saaray, haddana waxaa Israa’iil ku sii kordhaya doodaha ku saabsan baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah laga qaado Iran.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Naftali Bennett ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda haysato “fursaddii ugu weyneyd muddo 50 sano ah” si ay u burburiso barnaamijka Nukliyeerka ee Iran oo ay gebi ahaanba curyaamiso nidaamka Iran.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ku doodaya in dib u dhac ku yimaada dhaq dhaqaaqa militari ay u ogolaan karto Iran inay horumariso awoodeeda Nukliyeerka, halka qaar kalena ay ku doodayaan in weerarka uu horseedi karo xiisad ka qaraxda gobolka.

In kasta oo Biden uu sii wado diidmada ikhtiyaarka militari ee ka dhanka ah Iran, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa kor u qaadaya fikradda ah in si deg deg ah loo weeraro xarumaha Nukliyeerka Iran, isagoo xusay in Israa’iil “ay tahay inay marka hore weerar qaado ka dibna ay eegato cawaaqibka dambe.”

Inkastoo taageeradan siyaasadeed ay heshay Israa’iil haddana waxay wajaheysaa caqabado la taaban karo oo dhanka saadka ah si ay u fuliso weerar ka dhan ah Iran, gaar ahaan marka la eego awoodda ay diyaaradaheeddu u leeyihiin inay fuliyaan hawlgallo fog.

Frank McKenzie oo ah Janaraal hore oo Maraykan ayaa xusay in beegsiga xarumaha Nukliyeerka Iran ay tahay ” hadaf aad u adag” isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo sahlan sida beegsiga kaabayaasha tamarta.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in weerar kasta oo Israa’iil ay ku qaado Iran in laga yaabo in aan laga gaarin natiijooyinkii la rabay isla markaana gobolka u horseedo colaad baahsan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed