Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa u codeeyay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda 2025 oo gaaraysa $1,342,476,311 sida lagu sheegay warka ka soo baxay kulankooda.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo bandhigtay shirka golaha isbaddelka dhinaca kororka ah ee ku yimid miisaaniyadda sanadkaan 2024 uu yahay 24.4% taasina lagu gaaray dedaalka xooggan ee la sameeyay.
Miisaaniyadda sanadkaan oo aheyd $1,079,315,783 ayaa waxaa ku siyaaday $263,160,528 waana in ka badan laba-laabkii la qorsheeyay, iyada oo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in ku talagalkoodu uu yahay in intaas laga sii kordhiyo.
Sababta ugu weyn ee kordhisay miisaaniyadda waa dakhliga gudaha oo horumar muuqda laga sameeyay, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay intaas ku dartay in horumarka Amniga, Adeegyada Bulshada & kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka wax looga qaba doono.
Soomaaliya ayaa sanadkii tegay ku guuleysatay in laga cafiyo deyntii waqti dheer ku taagnayd, taasi waxa ay dhalisay in Xukuumadda Federaalka ay xoogga saarto sare u qaadista dakhliga gudaha si uu u kordho kabka Miisaaniyadda Dowladda.
HBN ONLINE TV

