Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo qodobo muhiim ah looga hadlayo, iyada oo qaar madaxda ay deegaannadoodii dib ugu laabteeen.
Waxaa uu sheegay in Wadatashi ay dib ugu laabteen madaxda qaar ee shirkaan ka qaybgaleysa si ay u soo saldhigaan qodobada xasaasiga ah ee diiradda la saarayo sida Doorashada qof iyo codka ah ee dalka la filayo in ay ka dhacdo, ayna dadka ay matalaan ay kala soo tasha doonaan.
Xamsa ayaa tilmaamay in madaxda ka qaybgashay Shirka ay sameynayaan la tashiyo iyaga oo marka uu u soo dhammaado ka dib lasoo saari doonno go’aamo iyo warmurtiyeed lagu caddeynayo waxyaabaha ay isku fahmeen sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.
“Shirka Golaha Wadatashiga weli wuu socdaa, Madaxda kasoo qaybgashay waxa ay ku jiraan Wadatashiyo muhiim ah, marka uu soo dhammaado waxaa laga soosaari doonnaa go’aamo iyo warmurtiyeed, Shirka haddii alle idmo waxa uu kusoo dhammaan doonnaa guul” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa in loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada iyo sidii loo gaari lahaa guullaha muhiimka ah si horumar muuqda looga sameeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwo kale.
HBN ONLINE TV

