Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta magalada Muqdisho kaga qaybgalay xafladda saxiixa heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo oo dhawaan bilabanaya, isaga oo sheegay in uu dhismaheeda kaalin ka qaada doono dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.
Galmudug oo ku hanweyn in ay hesho dekad ay wax kala soo degto ayaa u saxiixday shirkad dhismayaasha dekadaha iyo garoomada ka shaqeysa oo ajanabi ah, taasi oo uu qalinka ugu duugay madaxweyne Qoor Qoor, isaga oo sheegay in howsha dhismaha uu bilaaban doono 45 cisho ka dib.
Dekadda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa dhismaheeda gacanta ku haya Shirkadda Dhismayaasha ee METAG oo si hor dhac u soo bandhigtay qaab dhismeedka iyo nashqada dekadda, waxaa la filaa dhawaan ay ka howl gasho.
Madaxweyne Qoor Qoor oo si kooban uga hadlay ganacsiga iyo masaaliixda gobolka ee muhiimada ay u leedahay dhismaha Hobyo ayaa shaaca ka qaaday in dad gamudug ay wax weyn u tari doonto iyo in si gaar ah uga faa’iideysa doonto Itoobiya oo daris xadka Galmudug la wadaagta iyo dawladd deegaanka Soomaalida.
Galmudug oo shixnadaha iyo badeecadooyinka badi kala soo degta dekadaha Puntland ayaa la filayaa in ay kaga maarmi doonto Hobyo oo ku taal goob istaatiiji ah.
Dekadda ayaa marka ay shakalada loo taago la filaa in suuq weyn ka hesho qeyba badan oo dalka ah, iyada oo si gaar ah shaqa uga heli doonaan boqolaal shacab Galmudug ku nool iyo in ay kaalin ka qaadato isku gudbida ganacsiga gobolka.
HBN ONLINE TV

