Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laanta la dagaalanka Argagagixsada Maraykanka kala hadlay arimo xasaasi ah.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay la taliyaha arimaha Argagixisada ee Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Flannery, Robert.

Inta kulanka uu socday labada masuul ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ciribtirka kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka caawiya taba baridda ciidamada ciidamada kala duwan ee qaranka, isaga oo si gaar ah dowladda kaga garabsiiyo fulinta howlgalada ka dhan ah kooxaha ka soo jeeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed