Itoobiya oo sheegtay in sugidda Amniga muqdisho ay ka caawiyaan Soomaaliya

 

Dowladda Itoobiya oo ka hadashay khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawiyaan sugitaanka amniga magaalada Muqdisho, maadaama aysan awoodin sida hadalka ay u dhigtaye sugida amniga meel ka baxsan magaalada caasimad ah.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula oo weerar afka ah ku qaaday Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada qaranka waa sida hadalka uu u yiriye aysan awood u laheyn maamulida magaalada Muqdisho, iskaba daaye in ay la dagaalaane Itoobiya,
“Milateriga Soomaaliya iyo Xasan Sheekh awood uma lahan inay Muqdisho maamulaan iskaba daa inay la dagaalamaan Itoobiya” ayuu yiri Jula.

Dhanka kale waxaa uu ku faanay in Soomaaliya ay ka caawiyaan siduu hadalka u dhigay in ay maamulaan caasimadooda, oo uu ula jeedo Muqdisho, taasi oo ay amnigeeda kaalin ay ka qaataan.

Itoobiya ayaa todoobaadkan lagu eedeeyey in xadgudub balaaran ay ka sameysay xadka Soomaaliya ay la wadaagto, ka dib markii ay xadidaad dheeraad ah ku soo rogtay dhaqdhaqaaqyada dadka iskaga kala gudba labad dal.

Hadalada xanafta leh ee ay is dhaafsanayaan masuuliyiinta labada dal ayaa noqotay mid faraha ka sii baxay, taasi oo wax weyn u dhintay xiisaddii jirtay ee xalka loogu waayey seddexdii kulan ee lagu kala dhexdhexaadiyey.

Arintan waxaa ay ku soo aadeysaa iyada oo Soomaaliya ay ku adkeysatay in Itoobiya laga saarayo howlgalka soo socda ee AUSSOM, haddi aysan ka laaban heshiiskii ay Addisa Ababa kula gashay Somaliland, waxaana muuqata in ay ka caga jiideyso in ay laabato Xukuumadda Abiy Axmed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed