Xisbiga madaxweyne Biixi oo dad muhiim ah ka baxayaan xili uu wajahayo mucaaraddo adag

Muuse Jaamac Cige oo ahaa xubinta 7-aadd ee guddiga xaquuqul insaanka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iskaga baxay ka mid ahaanshihaya xisbiga talada haaya ee Kulmiye ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Is casilaadda Muuse ee Xubinimadii Komishanka Xuquugal Insaanka Somaliland ayuu sheegay in ay ka dambeyeen “arimo gaar u ah isaga iyo mansabka deeganka uu matalo”, isaga oo u mahd-celiyey madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse oo ahaa xubinta 7-aad ee guddiga xasuuqul insaanka ee Somaliland ayaa xilkan loo magacaabay bartamihii bishii 9-aad ee sanadkii hore ee 2023, waxaana uu noqonayaa tiro masuuliyiin ah ee todobaadyadii ugu dambeyey siyaaba kala duwan uga baxay Kulmiye.

2-dii bishaan waxaa shaaciyey in ay ka bexeen Xisbiga siyaasi Khaliif Maxamed Warsame (Xiinwaal), oo muddo dheer ka tirsanaa Kulmiye iyo Xoghayihii guud ee Xisbiga Gabiley Xasan Maxamuud Jirde oo isna sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey.

Guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) ayaa isna sheegay maalintii isniinta ee todobaadkii hore in uu iska calisay xilkii uu ka hayey, ka dib markii uu tilmaamay in uu ka arki waayey sida hadalka uu u dhigay isku wadidii iyo nabaddii shacabka Soomaaliland.

Dadka falanqeeya siyaasadda, gaar ahaan kuwa deegaannada Soomaaliland ayaa sheegaya in sababta looga kala tagayo Kulmiye ay tahay sida ay hadalka u dhigeen, suurtagalnimada in xibbsiga Kulmiye uu waayi karo aqlabiyada codadka doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliland ayaa la filayaa in ay qabsoonto sida uu u qorsheeyay Guddiga doorshooyinka 13-ka Bisha November ee 2024, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday qabsoomiyadda doorashda madaxweynaha ee Soomaaliland.

Xisbiga madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wajahaya hadda culeys adag oo dhanka mucaaradka ah iyo loolanka ololaha doorashada, isaga oo weynaya qaar ka mid ahaa qeybaha muhiimka ah ee xisbiga Kulmiye.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed