ku dhawaad 50 Alshabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Howlgal qorsheysnaa oo ay sheegtay Dowladda Soomaaliya in laga fuliyey gobolka Galgaduud, kaasi oo ay ka qayb qaateen saaxiibada caalamiga ah ayey tilmaantay in lagu dilay Alshabaab qorsheynayey qarax iyo qaar kale oo ku howlanaa sida ay hadalka u dhigtay dhibaateyna shacabka.

Dowladda ayaa carabowday in howlka lagu dilay Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaa oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka ayey dowladdu carrabowday in ay ku beegsadeen hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen sida hadalka ay u dhigtay maleeshiyaad badan, iyada oo la baabi’iyay fariisinkii ay isku aruursanayeen.

Sida oo kale inta uu howlgalka socday ayaa waxaa ay ciidamada dowladda burburiyeen gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, kaas oo kooxdu ay sida ay hadalka u dhigtay dowladdu ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ku guulaysteen.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen sida la sheegay inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in iyada oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, halka ay tilmaantay ka go’an tahay ciribtirka kooxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed