Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Abdirizak Cumar Maxamed, dhiggiisa Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis kaas oo ku soo jeeda Soomaaliya.
Markabkan sahminta (Seismic) ayaa maanta ka soo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isaga oo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna ku degi doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar. Safarka waxaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.
Markii uu yimaado Soomaaliya, Oruç Reis wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15,000 KM2 laba jibaarran, hawlgalkuna wuxuu socon doonaa qiyaastii toddoba bilood.
Inta lagu jiro waqtigan, markabku wuxuu ururin doonaa xog ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah. Xogta la ururiyay waxa loo diri doonaa Ankara si loo falanqeeyo, taasi oo hagi doonta hawlaha qodista ee mustaqbalka.
Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa ah mid ka mid ah maraakiibta sahminta badda ee Türkiga.
Hawlgalkan, Türkiga ayaa waxa ay ballaarinaya khariiradeeda sahminta, waxayna furaysaa bog cusub oo xiriirka ka dhexeeya iyada iyo xulafadeeda dhow ee Soomaaliya, kaasi oo si wadajir ah loo sahminayo keydka gaaska dabiiciga ah iyo saliidda.
HBN ONLINE TV