Kuuriyada Waqooyi oo Mareykanka & Kuuriyada Koonfureed ugu hanjabtay nukliyeer.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in ciidamadiisu ay isticmaali doonaan hubka Nukliyeerka ah si aan ka laba labeyn lahayn haddii dalkiisa ay soo weeraraan Kuuriyada Koonfureed iyo xulafadeeda Mareykanka, sida ay sheegtay wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

Kim waxa uu ka digay in “haddii cadowgu isku dayo in uu isticmaalo ciidamo hubaysan si uu ugu xad-gudbo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, in markaas ay isticmaali doonaan si aan shaki lahayn awood kasta oo ay haystaan oo uu ka mid yahay hubka nukliyeerka.”

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa intaa ku daray: “Haddii ay dhacdo xaaladdan oo kale, jiritaanka magaalada Seoul iyo Kuuriyada Koonfureed waxay noqon doonaan mid aan macquul ahayn.” Digniintan ayaa timid mar uu booqasho Kim ku tagay saldhig ciidamada gaarka ah lagu tababaro oo ku yaalla galbeedka caasimadda Pyongyang.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yul uu ku hanjabay intii lagu guda jiray dhoolatus milatari horaantii todobaadkan inuu “soo afjari doono maamulka Kuuriyada Waqooyi” haddii Pyongyang ay isticmaasho hubka nukliyeerka.

“Haddii Kuuriyada Waqooyo ay isku daydo inay isticmaasho hubka Nukliyeerka, waxay la kulmi doontaa jawaab adag oo ka timaada ciidankeena iyo xulafada Maraykanka iyo Kuuriya,” ayuu yiri Yoon.

Tobanaan kun oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Kuuriyada Koonfureed. Seoul ma laha hub Nukliyeer ah oo u gaar ah, laakiin waxa ay ku naaloonaysaa ilaalinta dalladda Nukliyeerka ee Maraykanka, sida ay sheegtay Reuters.

Xiriirka u dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay muddo sanado ah, iyadoo Pyongyang ay dhawaan ku dhawaaqday in 250 gantaal oo nooca ballistic-ga ah ay geysay xuduudeeda koonfureed.

Bishii la soo dhaafay, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa xariga ka jaray xarun lagu kobciyo uranium-ka, wuxuuna muujiyay rabitaan uu ku ballaarinayo hubka nukliyeerka ee dalkiisa.

Hay’adda xakameynta hubka nukliyeerka ee IAEA oo soo xiganaysa machadka caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda ee Stockholm ee magaciisa loo soo gaabiyo SIPRI ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay wakhtigan haysato ilaa 50 madax oo Nukliyeer ah, inkasta oo aan la garanayn tirada dhabta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed