Wasaarada Gashandhiga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ay gobolada dalka ka sameyeeen ciidamada Xoogga dalka, waxaana ay guulo waa weyn ay ka sheegatay dagaaladaasi ay la gashay kooxda Alshabaab.
Afhayeenka wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya Xidigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay howlgaladii ugu dambeeyay ku beegsadeen goobo ay ku sugnayeen dagalamayaal ka mid ah Al shabaab, isla markaana sida uu hadalka udhigay Khasaaro xooggan la gaarsiiyay.
Deegaanada howlgalada ka dhaceen ayuu ku sheegay in ay kala yihiin deegaan lagu magacaano Buur-fuule oo hoos tagta Lambar 50 oo ku yaala Gobolka Shabeellada Hoose, isaga oo howlgalada kale ku sheegay in ay ka dheceen dhulka howdka ee xiriiya Gobolada Baay iyo Gado.
Tobaadyadii ugu dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo kala duwan ka sameyey deegaanno badan oo ka tirsan Galgaduud, Hiiraan, Jubbada Hoose, Baay iyo Bakool, halka inta howlgaladaasi ay socdeen ay la soo bandhigayey xubno isi soo dhiibay, hub iyo khasaaraha ay tilmaantay in ay gaarsiiyeen kooxda.
HBN ONLINE TV