Siyaasiyiin rajo xukumo ka muujiyey shirka madasha ee Muqdisho ka socada

Masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo qaar hadda ku jira oo ku mucaarad ah ayaa sheegay in shirka madasha uu ku soo aadayo xili adag, halka ay qaar ay tilmaameen in madaxda maamulada iyo xukuumaddu sida ay hadalka u dhigeen ay wadaan qorshe ay muddo kororsi ku sameynayaan.

Xubnaha mucaaradka ayaa saluugsan qodobada diiradda lagu saarayo shirka, waxaana ay uga digeen in wakhti kale oo dheeraad ah loogu daro madaxda maamulada oo xil heynta uu dhamaaday, ayna dowladda dhexe u harsan tahay wax ka yar laba sano.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka Golaha Wadatashiga uu ku soo aadayo, iyada oo waa sida hadalka uu u yiriye dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna, isaga oo ugu baaqay in wax muddo kororsi ah sameyn.

Sida oo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in uu xasuusinayo xubnaha golaha in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u h arsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah.

Waxaa uu faray in aysan waaqaca iska indha tirin iyo in ay ka meermeerin arimaha doorashooyinka oo aan la hureyn.

Horaantii Agoosto Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka ay ka dhici doonto doorashada “qof iyo cod” iyo midka xisbiyada oo la sheegay dalka uu u guurayo, inkasta oo su’aal dul hogeyso sida ay suurtagal ku noqo karto, iyada oo wakhtiga haray uu aad yar yahay.

Shirka maanta oo galaya maalintii labad ayaa waxaa dibad joog ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu shalay ka degay magaaalada Boosaaso, halkaasi oo uu ka wado kulamo aan si faahfaahan looga warheyn, balse ilo hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in uu halkaasi kula kulmi saraakiil mareykan ah oo garab siiya Ciidamada PSF ee dagaalka wada gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed