Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ka furay shirka golaha wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda afar dowlad goboleed oo kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug, waxaana sidoo kale goobjoog ka ah duqa Muqdisho, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa Saalax Jaamac.
Sida ay sheegtay dowladda federaalka, waxaa looga wadahadli doonaa xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan dardar gelinta dadaallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, dhameystirka hannaanka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta heshiisyadii hore ee NCC.
“Kulanku waxa uu diiradda saarayaa dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, iyo xaqiijinta fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri Madaxtooyada.
“Waxaa sidoo kale jiri doona doodo ku saabsan dhismaha dowlad goboleedyada, iskaashiga federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu daray qoraalka.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka maqan shirkan, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxda dowladda federaalka.
Puntland bishii hore waxaa ay sheegtay in dooneyso in wada hadal ay la sameyso dowladda dhexe, iyada oo shuruud kaga dhigtay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan ka jawaabin doonista wada hadlay ee maamulkaasi.
HBN ONLINE TV

