Ku dhawaad 50 ruux oo ku dhintay Bada cas iyo tobanaan la la’yahay

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii laba Doonyood oo siday qaxooti iyo muhaajiriin ka yimid Yemen ay ku degeen xeebaha Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay talaadadii shalay in doonyahaasi ay ka soo ambabaxeen dalka Yemen iyaga oo ay saarnaayeen 310 qof, ka hor intii aanay ku degin badda cas.

“IOM waxa ay ka taageertaa adeegyada degdegga ah ee gobolka hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta,” ayay hay’addu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay X, iyada oo intaas ku dartay in 32 qof oo badbaaday la helay.

Ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in gurmad wadajir ah uu socday tan iyo intii arintaaani lagu soo wargaliyey, iyada oo 115 qof hadda la soo badbaadiyay, tobaneeyo kalena la la’yahay.

Doonyaha ayaa ku dagtay meel 150 mitir oo kaliya u jirta xeeb u dhow gobolka Khor Angar ee waqooyi-galbeed Jabuuti, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, xilli ay maraysay isla badda cas. Bishii June, ugu yaraan 49 qof ayaa dhintay, kuwaas oo u badnaa Itoobiyaan iyo Soomaali, ka dib markii doonidii ay la socdeen ay degtay, taasi oo ka soo ambabaxday Soomaaliya.

Tobanaan kun oo qof oo doonaya mustaqbal wanaagsan ayaa ka haajira Afrika oo sannad kasta ka gudba badda cas si ay u gaadhaan Sucuudiga iyo waddamada kale ee Khaliijka, sida ay hay’adaha bani’aadamnimadu ku tilmaameen mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan ee dunida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed