Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey shirka mashaariicda horumarineed ee 5-ta sano ee soo socota Qaramada Midoobey ee deegaannada maamulkaasi ayaa sheegay jiritaanka shaqsiyaad musuq maasuqa mashaariicda, si danahooda ugu ilaashadaan.
Saciid Deni ayaa sheegay in ay jiraan kuwa Dowladda u soo galaya inay Mashaariicda ay ka helaan Hay’adaha ku ilaashada danahooda, ayna ogyihiin sida uu carrabaabay musuq maasuqa
“Kuwo Dowladda usoo gala ayaa jira inay Mashaariicda ay ka helaan Hay’adaha ku ilaashada danahooda, waan ognahay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Puntland ayaa sheegtay sida oo kale in ay soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaanka lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa, kaasi oo ududeyn doona wada shaqeynta Dowladda, Hay’adaha fulinaya iyo deeq bixiyaha maalgeliyay.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaraadaha Qorsheynta , Caafimaadka , Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada , Cadaaladda, Haweenka , Gargaarka, Ururada Bulshada iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland.
HBN ONLINE TV