Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta ee loo yaqaan Ansar ALLAAH, Jeneral Yaxya Sariic ayaa sheegay in ay weerar gantaalo ku qaadeen goobaha militariga ee magaalada Eilat ama Um al-Rashrash ee ku taala badda cas ee Israa’iil, isagoo ku sifeeyey weerarkaasi “dagaal masiiri ah” oo ka dhan ah Israa’iil.
Jeneral Yaxye ayaa shir jaraa’id oo uu qabtey wuxuu ku sheegay in afar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone oo ah nooca Samad 4 ay ku weerareen magaalada Um al-Rashrash.
Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Jeneral Yaxya Sariic waxa uu carabka ku adkeeyay “in ay garab taagan yihiin dadka Falastiiniyiinta iyo Lubnaaniyiinta ilaa laga guulaysto gardarrada Israa’iil, lagana hortagayo qorshaheeda isbalaarinta.” Wuxuu ugu baaqay dadka Carabta iyo Islaamka in ay ka baxaan xaaladda aamusnaanta oo ay si firfircoon uga qayb qaataan dagaalkan masiiriga ah.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November waa bil ka dib markii uu bilowday dagaalka Gaza waxay wadeen weeraro ka dhan maraakiibta Israa’iil ku socdaa ama kuwa laga leeyahay iyagoo markii dambe ku daray maraakiibta Mareykanka & xulafadiisa waxaana ay ku sifeeyay weeraradooda kuwa ay ku garab taagan yihiin dadka reer Gaza isla markaana ay sii wadi doonaan hawgalladooda ilaa iyo inta la joojinayo duulaanka ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta.
Bishii January, Mareykanka & Britain ayaa bilaabay weeraro xagga cirka ah oo ka dhan saldhigyada Xuutiyiinta laakiin uma muuqdaan in Xuutiyiintu inay ka laabanayaan qorshahooda.
Saacadihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa qirtay in kooxda Ansarallah ee dalka Yemen ay soo rideen diyaarad military oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan M-Q 9, tani oo xaqiijinaysa hadalkii xalay ka soo baxay Xuutiyiinta oo ay ku sheegeen in diyaaradaasi ay ku soo rideen Gobolka Sacaad ee Waqooyiga Yemen.
Ciidamada Cirka ee Israa’iil ayaa bishii July ee la soo dhaafay waxa ay bilaabeen weerarkii ugu horeeyay ee ay ku qaadeen dalka Yemen, iyaga oo ka jawaabaya weerar diyaarad drone ah oo Xuutiyiintu ku soo weerareen magaalada Tel Aviv.
HBN Online TV

