Guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe ee Xisbiga Talada haya ee Soomaaliland Cali Maxamed (Cali caliyow) ayaa maanta shaaciyey in uu iska calisay xilkii uu ka hayey xisbigaas, isaga oo sheegay in uu ku biiray xibsiga Mucaaradka ah ee Wadani.
Cali Caliyow ayaa sheegay in uu sababta uu iska calisay ay tahay sida uu hadalka u dhigay markii uu ka arki waayey isku wadida iyo nabada shacabka xisbigaKulmiye.
“Waxaan iska casilay Xilkii Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe Kulmiye iyo Guddigiisa Fulintaba, Waxanan ku biiray Xisbiga Waddani.” Cali Caliyoow
Xisbiga Kulmiye oo talada haya Soomaaliland ayaa wajahaya muucarado cusub oo kaga imaaneysa labada xisbi ee kale oo doorashada Novembar kula loolamay.
HBN ONLINE TV

