Maxkamadda Sare ee Soomaaliland oo degdeg u fartay siideynta Xildh. Maxamed Abiib

Maxkamadda sare ee Soomaaliland ayaa amartay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib, ka dib warqad dheer oo ay ku diidan tahay xirnaanshihiisa oo ka soo baxay, iyada oo fartay taliyaha ciidamada Asluubta in isla maanta xabsiga uu ka sii daayo xildhibaanka.

Waxaa ay Maxkamaddu Xadhigga Xildhibaanka ku tilmaantay mid qayru-dastuuri ah, kaasi oo lagula ka kacay Maxamed Abiib, waxaana ay sheegay in dib xorriyaddiisii loo siiyo, halka ay diiday waraaqaha xeer ilaalinta.

“Waxay qaraarisay in xabsi ku haynta mudane Maxamed Abiib Yuusuf ay tahay sharci-darro maadaama Golaha Wakiillada JSL cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa si waafaqsan Qodobka 79-aad lyo Qodobka 49-aad. Waxay xorriyaddisa u celisay Maxamed Abiib, waxaana la farayaa Taliyaha Cidanka Asluubta JSL in uu xabsiga ka siidaayo isla maanta oo ay taarlikhdu tahay 30/09/2024” ayaa lagu bayaanka.

Maxkamadda Sare ayaa fartay hay’addaha kale ee Soomaaliland u huggaansanaanta sharciga iyo dastuurka oo ay ixtiraamaan, waxaana warqadda ku saxiixnaa garsoorka Maxakamadda oo uu ugu horeeyo guddoomiye Aadam Xaaji Cali Axmed iyo sagaalka kale ee xubnood.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa aad u dhalliili jiray xukuumadda Soomaaliland ka hor intii aan la xidhin, waxaana 2-dii bishaan laga xidhay madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa, mar uu ka soo laabtay dalka Imaaraatka Carabta.

Ehelada uu ka soo jeeda ayaa dalbaday in la siidaayo Xidlhiaanka, iyada oo ku goodiyey in jawaab ay ka bixi doonaan, haddi baaqooda aan la dhageysan.

Ururada Bulshada rayidka Soomaaliland oo sheegay in ay ku booqdeen xabsiga uu ku xiran yahay Maxamed Abiib ayaa sheegay in aan la qadarin xasaanaddiisa oo aan lagu qadarin, iyada oo ka dalbaday Xukuumadda in dib ay xoriyaddiisa u siiso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed