Nabadoon lagu dilay Gedo iyo qabqabasho ka socota gobolka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegay in saaka lagu dilay mid ka mid ahaa nabadoonnada deegaanka caanka ka haa, kaasi oo uu dilkiii ka dambeeyey ruux hubeysan, oo laamaha amnigu tilmaameen in ay ku raad joogaan.

Nin hubeysan oo la sheegay in uu wajiga soo dabooshay ayaa saakay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ku dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Aadan Isaaq Yaroow oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Degmadaas.

Qaar ka mid ah dad deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in uu baxsaday ninkii dilka geystay ka hor inta aysan goobta gaarin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee amniga Degmada Luuq Gacanta ku haya.Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo helay macluumaad ay ku raad raaci karaan ninkii dilka geystay ee baxsaday ayaa billaabay howlgallo ay ku soo qabqabteen dad ay ku tuhmayaan in ay xog ka heli karaan gacan ku dhiiglaha sida ay inoo xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Laamaha amniga ee Maamulka degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu ku raad-joogo ninka dilay Nabadoonka, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo saansaanta muuqata ee dilkaas loogu rogayo mid Qabaa’il, iyada oo tilaamamay in ay ku rajo weynyihiin soo qabashada iqofkii dilkaas geystay.

“Ninkii dilay Nabadoon Aadan Isaaq waan soo qabaneynaa ee Dadka ha is dejiyaan, dhib haddii uu dhaco in mid kale lagu karfaniyo ma fiicno, Dhacdadaan oo kale meel weliba ayay ka dhacdaa, Ninkaas dhintay allaha u naxariisto, dhibaato kale & shaqaalo kale in aysan dhicin ayaan farayaa Bulshada Degmada Luuq, Nin maaskaraato in uu ahaa ayaa la caddeeyay, ma baxsan karo oo waan ku raad-joognaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Luuq.

Ciidamada ammaanka degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa baaritaanno iyo howlgallo la xiriira Dilkaan loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Aadan Isaaq Yaroow weli ku howlan iyada oo laga sugayo natiijada ay soosaaraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed