Ma dhabaa in Israa’iil ay fursad u heshay dilka Yaxya Sinwaar?

Telefishinka Kanaal 12-aad ee Israa’iil laga leeyahay ayaa baahiyay xog aan horey loo shaacin oo sheegaysa in ciidanka Israa’iil ay heleen fursad ay ku dili kareen hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar bilihii lasoo dhaafay, balse howlgalkaasi laga baaqsaday sida hadalka loo dhigay.

Macluumaadkan oo telefishinku ka soo xigtay ilo wareed dhanka ciidamada ah ayaa waxaa la sheegay in fulinta dilka Sinwaar looga baaqday ka dib markii la ogaaday waa sida hadalka loo dhigaye in waxyeelo ay soo gaari karto maxaabiista Israa’iiliyiinta ee lagu haysto marinka Gaza.

Goor sii horreysay, laanta sirdoonka Israaiil ee gudaha ee Shin Bet ayaa beenisay warar dhanka Israa’iil ka soo baxay oo lagu andacooday in la dilay Yaxya Sinwar.
Bishii May, abaanduulihii hore ee ciidanka Israel Aviv Kochavi yaa shaaca ka qaaday isku day fashilmay oo Israa’iil ay ku doonaysay inay ku disho Sinwar iyo taliyihii guutada Qasaam Mohammed Deif.

Israel ayaa Sinwar u aragta maskaxdii ka dambeysay duulaankii duufaanta Al-Aqsa ee 7-dii Oktoobar, 2023, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan kun ruux oo isugu jira askar iyo shacab.

Sinwar waxa uu sanado soo ahaa hogaamiyaha Xamaas ee Marinka Gaza. Kadib dilkii madaxii xafiiska siyaasada ee xarakada Ismail Haniyeh oo lagu dilay Tehran dhamaadkii bishii Luulyo, Sinwar ayaa loo doortay inuu badalo.

Xogta isku dayga lagu dili lahaa Sinwar ayaa soo baxay ka dib markii Israa’iil ay dishay hoggaamiyihii Xisbullah ee Lubnaan Hassan Nasrallah iyo dhowr ka mid ah kaaliyeyaashiisa, weerarro ay Jimcihii la soo dhaafay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee magaalada Beirut.

Ma jirto cid madaxbannaan xaqiijin karta sheegashada Israa’iil ee ku aadan isku dayga dilka Yaxya Sinwaar ee ciidamada Israa’iil waxaase khubaradu ay sheegaysaa in Sinwaar muddo dheer uu bartilmaameed uu ahaa sirdoonka & ciidanka Israa’iil, waxaana baadigoobkiisa uu xoogaystay wixii ka dambeeyay duulaankii 7-dii October oo Israa’iliyiintu ku sifeeyeen dharbaxaadii ugu kulualyd ee ku dhacda tan iyo markii la aasaasay 70 sano ka hor.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed