Maxaa laga og yahay xaaladda uu ku sugan yahay Madaxweyne Geelle iyo dowladda oo ka hadashay

Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa markii ugu horaysay ka hadashay wararka ku saabsan xaalada caafimad ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo warbaahinta qabsaday, kaasi looga hadlayey badqabka xaaladdiisa sida ay tahay.

Wasiirka Maaliyada iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay Madaxweynaha xaladiisu fiican tahay si aad iyo aad, balse dhibaato ka soo gaadhay sida uu carrabaabay Jilibka Midig.

“Madaxweyne Ismaacil xaladiisu aad iyo aadbay u wanaagsan tahay , Qofku wuu nici karaa Hoogamiye iyadoo aan lagu kicin cay iyo nacayb ilaa heer la gaadhsiyo inuu dhintay Qof kale oo Muslim ah. Madaxweynaha jilibka Midig ayuu dhibaato ka qabaa markaa Maxaa dhib ah oo kale? Si la mid ah sida ku dhici karta qof bini’aadam ah sidaada ama sidayda oo kale” ayuu wasiir Ilyaas.

Dhanka kale, war Saxaafadeed dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu maanta oo Axad ah dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar maalmo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Faransiiska.

“Madaxweyne Geelle waxaa uu si buuxda ugu hawlan yahay hawlaha qaranka iyo in uu awoodiisa isugu geeyo sidii uu uga hortagi lahaa caqabadaha dalkeena iyo dadkeena haysta” ayaa lagu yiri Warqada.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xariirto looga hadlayey xaaladda madaxweynaha Jabuuti, taasi oo dhalisay hadal heyn ah halka uu ku sugan yahay iyo xaaladdiisa caafimaad.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed