Gobolka Banadir oo amar culus dul dhigay qoysaska Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar la xiriira in laga billaabi doono magaalada Muqdisho diiwaan galinta qoysaska iyo dadka rayidka ah ee ku nool.

Warqadaan ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir oo la ogeysiiyey qoysaska ku nool magaalada Muqdisho iyo hay’adda gaarka ah ee dowladda ee ay khusayso ayaa lagu faray in laga bilaabo 1-da bisha soo socota ee Octobar uu bilaaban doono diwaanka qoyska iyo shaqsiga.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan diiwaan galinta.

“Maamulka gobolka Banaadir markii ay arkeen tiro koob la’aanta ka jirta dalka, si loo helo xog sugan oo la xiriirta, waxaa la billaabayaa diiwaan galinta, qoys kasta waxaana laga rabaa in ay soo gudbiyaan tirada carruurta” ayuu yiri Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Amarkaan ka soo baxay gobolka ayaa muujinaya in uu dhaqan gali doono amarku maalinta axadda ee soo socot, taasi oo ku beegan 1-da bisha October.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed