Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in go’aanka duulaan dhanka dhulka ah oo lagu qaado Lubnaan aan weli la gaarin, balse waxa ay xaqiijiyeen in ciidanku uu diyaar u yahay inuu qaato go’aankaasi.
Wargeyska Maariv ee ka soo baxa Israa’iil oo soo xiganaya ilo-wareedyo Israa’ili ah ayaa sheegay in howlgalka dhulka ee Lubnaan uu noqon doono mid xadiddan haddii la oggolaado.
Mar sii horreysay, telefishinka CNN oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah ayaa tabiyay in Israa’iil ay u badan tahay in ay howlgal dhulka ah oo xaddidan ka bilowdo Lubnaan, marka ay ciidamadeeda u soo rarto xuduudda waqooyi”.
Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale mas’uuliyiin ka soo xigtay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in dilka Nasrallah uu dhalin karo dagaal gobolka ah, wuxuuna ka codsaday inuu joojiyo xabbadda.
Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Washington ay ka digtay in duulaanka dhulka ee Lubnaan uu dhalin karo khasaare, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Waxaana uu intaa ku daray in Washington ay sii wado inay kula taliso Israa’iil inaysan qaadin duullaan dhulka ah kaas oo ay ku qaado Lubnaan.
Milatariga Israa’iil ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin dagaal ballaaran, waxayna sheegeen in howlgal dhulka ah uu yahay mid u furan iyaga oo intaa ku daray in Xisbullah ay wali sii wadi karto inay gantaalo ku garaacdo Israa’iil. Abaanduulaha ciidanka Israa’iil Herzi Halevy ayaa sheegay in maalmo adag ay ku soo fool leeyihiin Israa’iil.
Khabiirka arrimaha ciidamada & istaraatiijiyada Fayez Al Duweri ayaa sheegay in weerar dhulka ah oo Israa’iil ay qaado uu yahay mid aan shaki ku jirin, isagoo tilmaamay in Israa’iil ay ka faa’ideysanayso xaaladaha la soo gudboonaaday Xisbullah gaar ahaan dilka hoggaamiyayaasha sar sare & waliba hoggaankii ugu sareeeyay.
Tani waxay imaaanaysaamaalin kadib markii hogaamiyihii Xisbullah ee Lubnaan Xasan Nasrallah lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay fiidnimada jimcihii lasoo dhaafay kaas oo sidoo kale lagu dilay hogaamiyeyaal sare oo Xisbullah ah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ah.
HBN Online TV

