Xildhibaanno warqad dacwad ah ka gudbiyey wasiirka Axmed M. Fiqi

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maanta Guddoonkooda u gudbiyay Mooshin ka dhan ah shaqada Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, taasi oo sida ka muuqata ay isugu jirta Cabasho iyo eedeyn ka dhan danjiraha.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa guddoomay warqada soo jeedinta ah ee ku xusan yihiin magacyada Xildhibaannadaan & waxa ay cabashadoodu tahay. Warqada oo ay heshay warbaahintu ayaa waxaaka muuqda eedeyn ah in si gaar ah loo isticmaalay shaabahadda gaarka ah sida hadalka loo dhigay ee wasaaradda iyo in si gaar ah shirkado loogu ganac galiyey dadka shacabka ah lacago ka qaadaan.

Xildhibaannadaan ayaa ku dooday in shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu isku koobay sida hdalka loo u dhigeeen Wasiirka isla markaana Shaabadda Wasaaraddaas waxba saxiixi karin inta uu wasiirku maqan yahay.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaannadu sheegeen in lacagaha ay shirkadahaas ku helaan Shaabadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda aanay ku dhicin qasnadda Dowladda Federaalka, sidaas awgeed ay u baahan yihiin in dib u eegis ay ku sameeyaan shaqada Wasiirka sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka Xildhibaannadan ayaa ku soo aadaya xili xiisad adag ay taagan tahay oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo dadka arimahan la socda ay sheegayaan in Itoobiya dad taageersan ay ku jiraan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida oo kale falanqeeyaasha ayaa qaba jiritaanka masuuliyiin si dad badan sida hadalka ay u dhigeen ugu adeega danaha Itoobiya, kuwaa oo marba marka ka sii dambeysa soo ifbaxaya si ay u difaaacaan.

Dhanka kale, arintaan ayaa imaanaysa xili heshiisyada Soomaaliya ee dhanka Militeriga ay la gashay Masar ayna Markab hub ah keenta dalka, taasi oo maamulada qaar ay diideen, kuwaa oo sheegaya in dalku uusan xalimi karin colaadda dowladda is diidan oo suurtagal tahay in gudaha dalka isku fara saaraan.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed