Warar kala duwan oo ka soo baxaya weerar Al-shabaab ka geysteen Muqdisho

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ku bilowday oo ka dhacay xalay degmada Kaxda ee gobolka Banadir, kaasi oo la sheegay in ay ka dambeeyey xubno ka tirsan kooxda Alshabaab sida aan ka soo xiganeyno masuuliyiin amniga ah.

Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidan oo ku taala degmada Kaxda, waxaana uu weerarkan cabsi iyo khal khal badan ku beeray dadka shacabka ah ee degan aagga weerarku ka dhacay.

Weerarka oo ku bilowday madaafiicda kuwa garbagaha laga tuuro ayaa la sheegay in Alshabaab ku qaadeen bar koontarool oo ay ciidamada ammaanka ka sugayeen degmada Kaxda, waxaana halkaasi dagaal uu ku dhexmaray Ciidamada Dawlaada iyo xubnihii Weerar soo qaaday.

Goobta la weeraray oo lagu magacaabo Buurta Cali Jannaale ayaa dad deegaan ah soo wariyeen in ay tahay mid ka mid ah meelaha laga sugo amniga degmada Kaxda oo dhacda galbeedka gobolka Banadir.

Weli lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhawaac eee ka dhashay dagaalka oo la isku adeegsaday hubka culus ee ka dhcay bartan laga hubiyo amniga degmada Kaxda.
Bishaan 14-keedii, 13 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray laba Qarax oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaa oo la sheegay ahaayeen miinooyin la dhigay bar dhalinradu ku badan tahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed