Golaha Wasiirka Soomaaliya ayaa maanta u magaacabay Taliyaha cusub Ciidamada Booliska Asada Cismaan Cabdullaahi Diyaano, ka dib kualankoodii caadiga ahaa oo ay ku ansixiyeen.
Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey ayaa ah ka soo shaqeeyey arrimaha ciidammada ayaa bedelaya taliyihii hore ee booliska oo shalay xalay xilka laga qaaday Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin, loona magaacabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka Soomaaliya.
Asad Diyaano ayaa ka soo shaqeeyey arimaha ciidamada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac.
HBN ONLINE TV