Diyaaradihii caalamiga ah ee tagi jiray Israa’iil & Lubnaan oo joojiyay duulimaadyadoodii.

Iyadoo ay isa soo tarayso cabsida laga qabto in duqeymaha u dhaxeeya Israa’iil & Xisbullah inay isku beddelaan dagaal balaaran oo gobolka ku faafaya, ayaa shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah waxay ku dhawaaqeen inay joojinayaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen Lubnaan & Israa’iil.

Tan iyo markii shalay Israa’iil ay bilowday duqeymaha ba’an ee ka dhanka ah dalka Lubnaan ayna ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad ka badan 2000 oo qof, qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee wax ka beddelay adeegyadooda gobolka.

Qadar Airways
Qadar Airways oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Bayruut ilaa Arbacada, iyadoo xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah ay cirka isku shareertay.

Egyptair
Shirkada diyaaradaha Masar ee Egypt Air ayaa shaacisay in la joojiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jirtay Qaahira ilaa Bayruut Talaadadii ilaa xaalada Lubnaan ay ka degayso.

Shirkadaha Turkiga
Shirkadaha diyaaradaha Turkiga sida Turkish Airlines iyo Pegasus Air ayaa baajiyay duullimaadyadoodii Istanbul ilaa caasimadda Lubnaan ee Bayruut.

Diyaaradda Polish
Diyaaradda Poland laga leeyahay ee LOT, ayaa joojisay dhammaan duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Israa’iil Talaadadii iyo Arbacadii, iyadoo hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Lubnaan illaa amar dambe.

American Airlines
American Airlines ayaa sheegtay in diyaaradaheedu aysan mar kale u duuli doonin Israel ilaa dhamaadka bisha March ee sanadka 2025-ka.

Delta
Delta Air Lines oo sidoo kale Mareykanka laga leeyahay ayaa kordhisay joojinta duullimaadyada New York ilaa Talaabiib ilaa 31ka Diseembar.

Lufthansa
Shirkadaha diyaaradaha ah ee Ku mideysan kooxda Lufthansa, oo ay ku jiraan Lufthansa Airlines, Swiss Airlines, Austrian, Brussels Airlines iyo Eurowings, ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay duulimaadyadii Tehraan, Bayruut iyo Talaabiib ilaa amar dambe.

Wizz Air
Diyaaradda Wiz Air ee laga leeyahay Hungary ee Wizz Air ayaa ku dhawaaqday in la joojiyay duulimaadyadii Talaabiib maanta.

Virgin Atlantic
Shirkadda Britain laga leeyahay Virgin Atlantic ayaa ku dhawaaqay in ay joojisay dhamaan duulimaadyadii ay maanta ku tagi lahayd magaalada Talaabiib.

Ryan Air
Shirkadda Ryan Air ee laga leeyahay dalka Ireland ayaa ku dhawaaqday in diyaaradaheedu aysan mar kale u duuli doonin Israel ilaa ugu yaraan dhamaadka bisha October.
Horraantii bishii Agoosto, Ryan Air waxa uu joojiyay dhammaan duulimaadyadii uu ku tagi jiray Israa’iil ka dib xaaladda ammaan ee sii kordhaysa, & dilalkii masuuliyiinta sare ee Xisbullah iyo Xamaas ee Bayruut & Tehraan ka dhacay.

Shirkadda Al italia ee Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in diyaaradaheedu aysan u duuli doonin kana soo duuli doonin Israa’iil bishan September.

EasyJet
Shirkadda Easy Jet ee Britain laga leeyahay ayaa iyana ku dhawaaqday in aysan dib u bilaabi doonin duulimaadyadii Talaabiib ilaa iyo Abriil 2025.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed