Soomaaliya oo digniin u dirtay Itoobiya

Ka dib markii dawlada Masar ay shixnad cusub oo hub oo ay ku taageerayso Soomaaliya ay keentay magaalada Muqdisho, ayaa khubaradu waxay ka cabsi qabaan in arrintan ku dhaliso Itoobiya dareen hor leh kaasi oo ku wajahan qorshaha Masar ee dib u dhiska ciidamada xoogga Soomaaliya.

Taageerada Masar ayaa ku saleysan heshiiskii difaaca wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen Masar & Soomaaliya bishii August ee la soo dhaafay, kaasi oo ay qalinka ku duugeen Madaxweyneye Abdel Fattah al-Sisi iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa warbaahinta dibaddu siyaabo kale u fasireen iyadoo lagu macneeyay digniin cad Soomaaliya u dirayso Itoobiya, taasi oo qasbi karta in midkood ay raacdo sharciga ama shanta ee arinta muranka heshiiska.

Wasiirka ayaa fariintiisa ku yiri “Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey ciddaad la macaamileyso waa inaan annagu raali ka nahay. Danteenna anagaa naqaanna, sokeeyaheenna iyo shisheeyaheenna annagaa kala xulaneynna. Masar & Soomaaliya awood.

Hubkan u yimid ciidamada Dowladda ayaa noqonaya midkii ugu badnaa ee ay helaan ka dib burburkii dowladda iyo ka qaaditaankii cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, iyadoo Masar wacad ku martay in madaxbanaanida Soomaaliya ay doorkeeda ka ciyaari doonto.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku ammaantay mowqifka Qaahira ee ay ku taageereyso dalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Badar Abdel Aty oo maalmo ka hor magaalada Washington kula kulmay ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Masar u dooneyso in ay xasilooni ka dhalato Soomaaliya, iyada oo taageeri doonta hey’adaha dowladda dhexe, halka ay sare u qaadi doonto ixtiraamka madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in xiisada ka dhalatay soo keenista qalab ciidan oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya iyo jawaabtii ay Itoobiya ka bixisay ay Masar ku qasabtay in uga digto muwaadiniinteeda u safritaanka deegaannnada Somaliland.

Masar waxa ay carabka ku dhufatay in xaalada amni ee ka jirta Somaliland ay xadidayso in wax kasta oo kaalmo qunsuliyadeed ah lasiiyo dadka masaarida ah ee halkaasi jooga ayna ka codsatay dadka doonaya inay booqdaan gobol kasta oo ka mid ah jamhuuriyada Somaliya inay si buuxda ugu hogaansamaan nidaamka iyo go’aamada maamulada dalka iyo cida awooda u leh halka markaasi ay ku suganyihiin.

Tani ayaa muujineysa halka dowladda Masar uga xayxaydaneyso in wax yeelo ka soo gaarin xiisadda gudaha Soomaaliya muwaadiniinteena, wallow quburada arimaha amniga ay qabaan in Qaahira ay ku qasbi karto Itoobiya in miiska wada hadalka timaado, haddii ay dhici waydane ay duqeyn karto biya xireenka Balaayiinta doollar Addis Ababa kaga bixisay.

Itoobiya ayaa Ciidamo todobaadyadii la soo dhaafay ku soo daabushay xadka ay Soomaaliya la wadaagto, taasi oo xukuumadda Muqdisho ku qasabtay dedejinta heshiiska ay la gashay Masar, kaasi oo dhigaya in 10-kun oo ciidan oo Masaari ay soo caga dhigtaan dalka.

Ciidamadaasi ayaa la filayaa in la geeyo gobolada xuduudka Soomaaliya ku teedsan ee Itoobiya la wadaagto, sida Galgaduud, Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool, iyada oo ay wehli doonaan kuwa qaranka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed