Agaasimaha PSF oo sheegay in lagu rasaaseeyey Qoyskisa Boosaaso

Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan ayaa laga soo xigtay in maanta qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sida aan ka soo xiganeyno warbaahinta madaxa banaan ee deegaannada Puntland ayaa sheegay in rasaas lagu furay baabuur nuuca land-cruiser ah oo uu lahaa agaasimaha PSF, islamarkaana ay la socdeen qoyskiisa.

Agaasime Maxamuud Cismaan ayaa sida oo kale laga xigtay in qoyskiisa baabuurka la rasaaseeyay saarnaa ay ka soo laabteen xagaa-bax balse ma sheegin khasaare ka dhashay rasaastaasi iyo cida rasmiga ah ee rasaasta ku furtay.

Ma jirto cid ka madaxbanaan oo ka hadashay dhacdadaan ee uu sheegay agasimaha ciidamada PSF Puntland.
Puntland ayaa si cad u sheegtay in ciidamadan horay uga tirsanaa jireen hay’adaha amniga ee maamulka, halka bartamaha bishaaan ay soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in ay ka soo goosteen.

PSF waa mid ka mid ciidamada gaarka ee Puntland uga howlgala gobolka Bari, halkaasi oo ay kula dagaalamaan xubanaha Daacish ee ku sugan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed