Hay’addaha Ammaanka Soomaaliya oo kulan ka yeeshay arimaha hubka

Kulan gaar ah oo uu shir guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa looga hadlay sidii ay hay’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan gelinta qaraarradii ay soo saareen Golaha Wasiirrada ee mamnuucayey iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.

Shirka ayaa go’aannada ka soo baxay lagu adkeyey hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya sida hadalka loo dhiagy hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha waxa loogu yeero argagixisada.

Wasiirka Amniga ayaa ugu baaqay shacabka in ay kaalin ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.

Jimcihii aan soo dhaafnay ayaa waxaa soo baxay warar sheegay hub laga keenay Itoobiya in la geeyey deegaanadda Puntland, goordambane dowladda Soomaaliya ugu baaqday Addis Abab in ay joojiso faraglinta iyo hubka ay ku soo daabuleyso gudaha dalka.

Muqdisho howlgalo saacadda qaatay ayaa taliska Booliska Banaadir ku soo bandhigay hub, rasaas iyo shaqsiyaad ay sheegeen in ay ka ganacsanayeen, iyada oo tilmamaay in magaalada lala soo gali karin wax hub ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed