Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey xaaladda Soomaaliya ayaa soo jeediyay in la raadiyo dhabbaha rasmiga ah ee lagu gaari karo xal siyaasadeed, maadaama la doonayo in la raadraaco Nabad dhalinta Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa sheegay in haddii la helo xal waara oo ka fog sida uu hadalka u dhigay dan shaqsi ama dad gaar ah in la gaari karo ujeedka guud si aanay looga tallaabin nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya.
Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa gunaanadkii sheegay in Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed in la ilaaliyo waxa dadka heshiisku ku yahay oo talada dalka wadajir loo wada qaato.
HBN ONLINE TV

