Maleeshiyaad ka soo jeeda Gobolka Awdal oo dalbaday in deg deg lagu siidaayo Xildhibaan Abiib

Maleeshiyaad sheegay in ay ku heyb yihiin Xidlhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doorto gobolka Awdal ayaa xukuumadda Somaliland ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha u siiyo xoriyaddisiii, iyagoo sheegay waa sida hadalka ay u dhigeene in sharciga lagu tuntay.

Xubnahaan oo la magic baxay Jabahadda Gurmad ayaa soo muuqday Warbaahinta iyaga oo ku hubeysan hub culus, waxaana ay cadeeyeen sida hadalka u dhigeen in sifo sharciga baalmarsan uu ku xiranyahay xidlhibaanka oo Somaliland xasbiga dhigtay.

Waxaa ay Somaliland u direen fariin ah in muddo seddex cisho gudahood ama 72-saac ah ay ku soo daayaan Maxamed Abiib, haddii ay dhici weydana sida hadalka u dhigeen ay talaabo qaadi doonaan aysan nuuca ay tahay sheegin.

“Waxaan sharciga waafaqsaneyn buu ku xiran yahay, waxaan u qabaneynaa 72 saac gudahood” ayuu yiri mid ka mid ah ragga oo muuqaalka ay soo duubeen ka soo muuqday.

Somaliland ayaa 2-dii bishaan September ka xirtay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal Xildhibaanka, ka dib markii uu ka soo laabtay Imaaraadka Carabta. Xarigiisa ayaa qeylo dhaan ka soo yeertay qoyskiisa oo la tacaalayay sidii ay u xaqiijin lahaayeen xaaladiisa.

Gudigga xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa walaac ka muujiyey xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo labo toddobaad ka badan ku xiran xabsiga Mandheera, waxaana ay sheegeen in lagu xad gudbay xasaanaddiisii.

Meel kala duwan oo uu ka hadlay Maxamed Abiib ayuu ka sheegay in ay xukuumadda Somaliland ay wado qorshe sida hadalka uu udhigay lagu shirqoolayo, waxaana uu si gaar ah u farta Madaxweyanaha talada haaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed