ONLF oo si degdeg ah kaga dalbatay Itoobiya in tacadiyada ka dhacay dhulka Soomaalida waxa uga qabto

Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed ONLF ayaa war Saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aad uga walaacsan tahay isbedellada ka socda Ismaamulka Soomaalida oo meel ka dhac ku ah xuquuqda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Warka ururka ayaa lagu cadeeyey in ku dhawaad saddex meelood meel, Qaranimada Soomaaliya ay ragaadisay colaado, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Dawladihii kala dambeeyay ee Itoobiya, tan iyo markii la dhisay ayey ku eedeysay in ay adeegsanayeen habab sharci darro iyo arxan la’aan ah, si ay u cabudhiyaan dalabaadka xaqa ah ee shacabka Soomaaliyeed ee aayo ka tashigooda, iyaga oo hoosta ka xariiqay in dadka la xaqiray, loolana dhaqmay sidii muwaadiniin dabaqad saddexaad ah oo lagu xukumay xukun adag oo ciidan, taasi oo sii hurisay iska caabin joogto ah iyo dagaallo lagu xoraynayo.

Sida oo kale JWXO ayaa carrabowday in dastuurta Itoobiya uu siinayo dhammaan shucuubta ku hoos nool sida hadalka loo yiri gumeysiga Itoobiya, waxaana ay tilmaantay in lagu tuntay oo la caburinayo, si Soomaalinimadooda aysan u sheegan.

“Odayaal, haween iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa lagu soo bandhigay TV-yada, iyago lagu qasbay inay is bahdilaan iyagoo dafiraya Soomaalinnimadooda, sheegana inaysan Soomaali ahayn. Dawlada Itoobiya waxay ku xadgudubtay qodobka 39-aad ee dastuurka & heshiiskii nabadda” ayuu lagu yiri war saxaafadeedka.

Waxaa ay sheegeen in ay soo baxayaan sida hadalka ay u dhigtay ONLF warar dhiillo leh oo sheegaya in la bedelayo magaca iyo calanka Qaranka Soomaali Galbeed, iyada oo meesha laga saarayo wax kasta oo Soomaalinimo ah, halka la soo rogi doono sharci dagaal, kaasi oo khatar gelinaya in uu yaraado is xukunka dawladnimada Soomaalida oo markii horeba wiiqantay.

ONLF ayaa sheegtay in si adag ay u cambaaraynayso dhaqamadaas, waxaana ay ugu baaqday Itoobiya in ay si degdeg ah u joojiso falalkan. Geesta kale ayey sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dawlad deegaanka in aan loo dhibaatayn colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayey soo jeediyeen in dawladda Itoobiya ixtiraamto xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed, ayna ilaaliso qodobbada heshiiska nabadda, Haddii taasi la yeeli waayana ay halis gelinayso xasillooni darro hor leh oo halis gelinaysa nabada sida adag loogu guulaystay ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed