Weerar Alshabaab ku qaadeen Saldhig ku yaala gobolka Baay oo khasaare ka dhasheen

Wararka imaanaya gobolka Baay ayaa ku soo waramaya in kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, waxaana laga soo wariyey in kooxda weerarka soo qaaday inay ka mid yihiin ajaanib.

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee fadhigoodu uu yahay Degmada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay iska caabiyeen k sameeyeey weerar Al-Shabaab ay ku soo qaadeen Magaalada Qansax-Dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha ku sugan Degmada Qansax-Dheere ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa sheegay inay dileen 12 katirsan Al-Shabaab oo qaar ka mid ah yihiin Ajaanib oo weerarka ku jiray.

War ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Degmada Qansax-Dheere oo hayey xogta weerarkan ay Al-Shabaab gaarsiiyeen sida hadalka loo dhigay Jab xoogan, iyada ka furtay hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana lagu raad joogo xubno ka baxsday kooxdii weerarka soo qaaday.

Maamulka Koonfur saraakiishooda oo siyaaba kala duwan uga war bixiyey ayaa sheegaaya in ay dagan tahay xaaladda degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay, halka ay carrabaabeen in Amniga Magaalada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed