Dagaal Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Togdheer

Wararka ka imaanaya jiidda deegaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa laga soo sheegayaa in halkaasi ay Xiisad dagaal oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo tan iyo shalay, kaasi oo sababay khasaaro nafeed.

Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada SSC-Khaatumo iyo maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka Qorilugud ayaa shalay dhexmaray dagaal hubeysan oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Sida oo kale, iska hor imaadka ka dhacay deegaanka Gocondhaale, oo ku dhow Qorilugud, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda dhinaca maleeshiyaadka, sida ay warar hoose sheegayaan.

Xiisaddan cusub ayaa ka dhalatay weerar ay maleeshiyaadka deegaanka Qorilugud ku qaadeen ciidamada SSC-Khaatumo, iyadoo la sheegay in maleeshiyaadku taageero ka heleen maamulka Somaliland, arrintaas oo sii xoojisay xaaladda kacsan ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed