Maxaa ka jira in Ruushku uu siiyay Iiraan macluumaad lagu farsameeyo hubka nukliyeerka?

Shabakada Bloomberg ee Mareykanka laga leeyahay ayaa baahisay xog ku aadan in UK iyo Maraykanka ay ka cabsi qabaan in Ruushku uu Iran la wadaago tignoolajiyada iyo xogta sirta ah ee gacan ka siin karta sameysashada hubka nukliyeerka, iyadoo taasi beddelkeedii Tehran ay siinayso Moscow gantaalaha casriga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & Ra’isalwasaaraha Britain Keir Starmer ayaa wadahadal ay ku yeesheen magaalada Washington waxay toddobaadkan kaga hadleen cilaaqaadka xooganaysa ee u dhaxeeya Ruushka & Iiraan, iyagoo si gaar ah isula eegay xogta ku aadan isdhaafsiga gantaalada iyo xogta hubka nukliyeerka lagu farsameeyo.

Mareykanka, Britain iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah kooxda G7 iyo waliba Ururka midowga Yurub ayaa si adag digniin ugu diray Iiraan inaysan Ruushka ku taageerin gantaalada, iyagoo ka walaacsan in uu u adeegsado dagaalka uu ka wado gudaha Ukraine.

Iiraan waxay beenisay in uu jiro qorshe gantaalo ay ku siinayso Ruushka, sidoo kalena Tehran waxay ku adkaysanaysaa inaysan doonayn in ay samaysato hubka nukliyeerka, inkastoo ay ka walaacsan tahay xiisadda kordhaysa ee kala dhaxeysa Israa’iil oo la aamisan yahay inay haysato nukliyeer balse ay qarsanayso.

Bilooyin ka hor Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku andacooday in Iiraan ay tilaabo ama laba tilaabo ay u jirto sameysashada hubka nukliyeerka, waxaana sidoo kale aragti caynkaasi ah qabta Israa’iil oo ku doodaysa inta goori goor tahay in laga hortago in Iiraan ay gacanta ku dhigto nukliyeer.

Iiraan ayaa waxay sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed oo ay u adeegsanayso in ay ka dhaliso korontada ayna ku hormariso adeeggyada bulshada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed