Puntland oo tobanaan Askar ka soo goosatay PSF soo bandhigtay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah PSF oo ah ciidanka gaarka ah ay kala jabeen, ka dib markii boqalaal askari oo ka soo goostay sida hadalka ay u dhigeen ay isku soo dhiibeen maamulka.

Warkan oo ay tabisay warbaahinta maamulka ayaa lagu sheegay in 214 askari oo ka mid ahaa ciidamada PSF ay isku soo dhiibeen, kuwaa oo ay tilmaantay in ay u damqadeen sida warka loo dhigay Shacabkooda.

Saraakiisha la kulantay Askartan la soo bandhigay ayaa carrabaabay in ay soo dhaweeyeen, kuwaa oo ku biiraya ciidanka maamulka Puntaland.

“214 Ciidan oo ka tirsanaa Ciidankii Berigii Hore la oran jiray PSF oo ku soo biiray Ciidanka Puntland ka dib markii ay ka soo Goosteen.Generaal Ayuub oo la kulmay Ciidankaan ayaa ugu Mahadceliyey siday ugu danqadeen shacabkooda uguna soo biireen ciidankooda” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland ka soo baxay.

Todobaadkii hore Ciidamada PSF ayaa digniin u diray diyaaradaha iyo dadka ku dhow garoonka magaalada Boosaaso, ka dib markii ay sheegeen in loo diiday in askar dhaawac ah oo ay doonayeen in garoonka laga qaado loo diiday.

Horay Puntland ayaa horay isaga fogeysay in ciidamadan ka tirsanyihiin, iyada oo ku sifeeyey “Ciidankii hore” ee Puntland, taasi oo muujinaysa in khilaaf adag uu jiro, halka ay dhowr kal oo hore ay ku dagaalameen magaalada Boosaaso.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed