Saraakiisha ciidamada iyo Maamulka gobolka Bari oo digniin u diray ciidanka PSF ee jooga Boosaaso.

Shir ay maanta isugu yimaadeen Maamulka gobolka Bari, saraakiisha ciidamada iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa looga hadlay xiisadda maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd magaalada Boosaaso.

Duqa Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Saciid Shaadoon oo kulanka markii uu soo gabagabooyey ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, isaga oo carrabaabay in aysan Puntland wax dhibaato ah dooneyn in ay ka dhacdo gobolka.

“Dhalinyarro PSF la yiraado ayaa gudaha magaalada ku soo kordhiyay, waxaa loo baahan yahay haddii aad cuqaaasha tihiin in aad ka hadashaan, waa in hal dhinac looga soo wada horjeedsado dadka wada amni darrada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Sida oo kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Qeybta Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabduqaadir Jaamac Dirir oo ka hadlay xaaladda Boosaaso ayaa yiri “Nabad la qodqodaaya si la yeela lama yaqaanno, waan caddeynayaa ciidanka PSF hore u ahaa dhibaato aan aheyn kama socoto magaalada Boosaaso”

Digniinta ay soo saareen maamulka iyo saraakiisha ciidamada gobolka Bari ayaa imaanaysa xilli maalmihii la soo dhaafay xiisad ka taagneyd magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo shalay ay hakad ku yimid diyaaradihii sida maalinlaha ah u tagi jiray gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed