Booliiska Gobolka Banaadir oo soo qabtay nin lagu eedeeyay dilka haweeneey

Ciidanka Boliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdi Casiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo loo haysto in uu ceego ku dilay Marxuumad Maa’iddo Maxamed Axmed.

Ciidanka ka howlgala Saldhigga Boliiska degmada Warta Nabadda oo soo qabtay eedeysanaha ayaa sheegay in Cabdi Casiis Cismaan iyo Marxuumad Maa’iddo oo 17 jir ahayd uu ka dhaxeeyay haasaawe ka dibna uu soo kala dhex galay muran dhaliyay gacan ka hadal.

Ilo ka ag dhow qoyska gabadha la dilay ayaa sheegaya in uu Cabdi Casiis oo horay u soo doontay gabadha balse iyadu ay diiday doonistiisa, ka dibna wiilka oo caan ka ahaa guriga uu qolka ugu galay marxuumada, isla markaana si aan la fileen ugu dhex dilay isaga oo adeegsaday qaab ceego ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed