Maxaa ka cusub shirkii Turkigu ku dhexdhexaadinayay Soomaaliya & Itoobiya ee beri dhici lahaa?

Wajiga saddexaad ee wadahadallada dhexdhexaadinta ee hannaanka Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii hore loo qorsheeyay 17-ka Sebtembar ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin, iyada oo aan la muddayn waqti dambe, sida ay tabisay warbaahinta Turkiga.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dib u dhacaasi, hadana tani waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay u muuqata in labada dhinac aysan ka tanaasulin mowqifkooda, gaar ahaan Soomaaliya oo ku adkeysanaysa in Itoobiya ka laabato is afgaradkii ay la gashay Somaliland.

Is afgaradkaas oo la gaaray bishii January ee sannadkan ayaa Muuse Biixi wuxuu sheegay in ay qayb ka tahay in Itoobiya aqoonsato gooni isu taagga Soomaaliland oo ay ku bedelanayso 20 kiiloomitir (12 mayl) oo saldhig ciidan ay ka samaysanayso xeebaha gobolka Awda 50 sano ah. Tani waxay siinaysaa Itoobiya, oo ah mid ka mid ah waddamada adduunka ugu weyn ee aan bad lahayn marin badeed.

Soomaaliya ayaa tilaabadaasi ku sifeysay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, iyada oo ka digtay in la qaado qorshe ka baxsan wax qaranimada dalka wax u dhimaya.
Mareykanka, Midowga Yurub, Shiinaha, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhammaantood ku booriyay Itoobiya inay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya, halka arinkaan weli dhag jalaq u siin bayaannada kaga imaanaya.

Dib u dhaca ku yimid wadahadalka dhex dhexaadinta ayaa sida oo kale laga yaabaa inuu xiriir la leeyahay Masar oo dhawaan si hor dhac ah Muqdisho uga soo dejiyey labad diyaaraddood oo sida Soomaaliya sheegtay siday saanad Ciidan.

14-kii Agoosto, Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiis iskaashiga milateri ee labada dal kaasi oo noqday mid si weyn wax uga beddelay xiisadda ka aloosan gobolka bariga Afrika.

Inkasta oo uu dib u dhac ku yimid, deedi socodka Ankara ee loogu talagalay in lagu kobciyo wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa weli taageero xooggan ka helaya Turkiga, iyada oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ay si firfircoon uga shaqaynayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda labada dal.

Masar ayaa marar badan ku cel celisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageerayso midnimada Soomaaliya iyo madax-banaanida dhulkeeda, waxaana ay sheegtay in si walba u difaaci doonto dalka.

Sidoo kale dib u dhaca kulankii lagu waday in beri ka furmo Ankara ayaa ku soo aadayaa hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Macalin Fiqi, oo soo jeediyay in Somaliya laga yaabo in ay ka fikirto in ay la xiriirto kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Itoobiya, haddii Addis Ababa ay sii wado heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Soomaaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed