Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah oo lagu gorfeeyey xaaladda dalka la qaatay Sanatarada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay halkaasi.
War ka soo baxay madaxtooyada maamulka oo qoraal ahaa ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray Arimaha Taagan ee Siyaasada Dalka, Hormarinta Bulshada iyo Amniga Guud.
Ka hor inta uusan Baydhabo tagin Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa Madaxweyne Lagtagareen dalbaday sida xogta lagu hayo in uu kulan gaar ah la qaato Mudanayaaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka soo gala deegaannadaasi, halka waxa looga hadlayey lagu carrabaabay in Khilaaf soo kala dhexgalay Dowladda iyo maamulka ahaa.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xoogga saaray kulamada uu la qaadanayo Madax isugu jirtay heer Federaal iyo heer maamul Goboleed oo ay kawada hadleen arrimaha dhanka Amniga iyo sida loo xoojin karo wadashaqaynta ka dhaxeysa
Horay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Sanatarada Baarlamaanka deegaannadaasi ayaa sheegay in ay tasgeersamyihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
HBN ONLINE TV