Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa xalay shir wadajir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Shirka marka uu dhamaaday ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay ka soo saareen war saxaafadeed ay ku sheegeen in shirkoodu uu ku saabsanaa Iskaashiga labada maamu.
Warsaxaafadeedka ayaa sida oo kale lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen 4 qodob oo muhiim u ah Iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.
Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa waxaa ugu muhiimsnaa Xoojinta Iskaashiga Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.
Ugu dambeyne labada maamul ayaa sheegay in 3-dii bil mar ay yeeshaan shir heer wasiirro ah, halka ay ku heshiiyeen in deegaannada colaadaha ka dhaceen laga higaliyo masaariic hormarineed, iyada oo uu shirku bogaadiyey wada shaqeynta hay’addaha maamulada iyo kan bulshada ee Amniga Nabadda iyo Hormarka.
HBN ONLINE TV