Soomaaliya Qaahirada ku guddoomisay shir ay xulufo ugu raadineyso Carabta

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa guddoomiyey shir gaar ah isugu yeeray wasiiradda dhigiisa carabta oo dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaasi oo ku hor dhigtay is afgaradkii Itoobiya ay la saxiixatay Soomaaliland horaantii sanadkan iyo waxa kala gudboon.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Soomaaliya wasaaradda, sida oo kalane taageero looga raadinayey wadamada Carabta ayaa lagu sheegay in masuuliyiintii uu la shiray wasiir Fiqi ay xaqiijiyeen in lagu diiday faragalinta dibadda ee arimaha dalka, iyaga oo ku baaqay in la ixtiraamo madaxbaanaida Soomaaliya.

Inta kulanka uu socday ayaa xubnahaan wasiiiradda ah ay garab istaaga u muujinayeen Soomaaliya, waxaana uu bayaankoodu ku gacan sayray is fahamkii Itoobiya la gashay Soomaaliland ee Addis Abaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya ay Qaahira kaga qayb gashay ay isugu tageen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka Carabta oo ay uga arrinsadeen dhibaatooyinka ka jira Waddamada xubnaha ka ah Ururkaan, kaasi oo ah Meertadii 162-aad.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed