Shaqo joojin ka socota garoomada diyaaradaha ee Kenya, ayaa saameeyey boqolaal rakaab ah oo Soomaali ku jirto, ka dib markii shaqaalaha garoonka ay banaanbax ay ku diidan yihiin shirkad lagu wareejiyey maamulka garoonka ay halkaasi ka dhigeen.
Banaanbaxan oo saameeyey dhamaan dhaqdhaaqii garoonka ayaa wax u dhimay duulimaadyo la doonayey in xiligaasi baxaan, kuwaa oo ay ku jiraan dad Soomaali ah oo safar ahaa, una kala socdaalayey meela kala duwan.
Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika ee isku socodka, halka dadka Soomaalida ah ay si maalinle ah u adeegsadaan.
Qalalaase baahsan ee ay sameeyeen shaqaalaha garoonaka ayey kaga soo horjeedo la wareegitaanka shirkad laga leeyahay dalka Hindiya oo maamulka garoonka la wareegtay.
Ururka shaqaalaha duulista ee Kenya ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin ka dib markii ay dawladdu ku guul darraysatay in ay shaaciso shuruudaha heshiiska kirada kooxda Adani ee Hindiya. Waxay sheegtay in laga yaabo inay keento shaqo la’aan.
Sawirro laga soo qaaday isla markaana lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka rakaabka ah oo ku degdegaya qaadashada boorsooyinkooda, iyadoo shaqo joojintu ay dhaqan gashay.
HBN ONLNE TV

