Maamulka Puntaland oo maanta eedeymo culculus u jeediyey Dowladda dhexe, isla markaana soo dhaweynayaan mowqifka ay qaateen Xildhibaannada Koonfur Galbeed ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen yimaadeen Garoowe oo ay ku shiraan.
Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in uu la dhacsanaa Qudbadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu shalay ka jeediyey magaalada Baydhabo, taasi oo uu carrabka ku dhuftay in Puntland ay kali ku aheyd.
Caydiid Dirir ayaa dhinaca kale, ku eedeeyey Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh huggaamiyo in ay wado sida hadalka u dhigay hindise meesha looga saarayo nidaamka Federaalka, kaasi oo uu tilmaamay in dalku ku heshiiyey, halka uu heshiisyada uu soo galo uusan ka keenin Baarlamaanka kuwaa la sharciyeeyey.
Wasiir Caydiid ayaa dhalihiisa waxaa kale oo ku jiray in laga jartay lacagta deeqbiyaasha, taasi oo uu tilmaamay in amarka sida yiri “Madaxweynaha” lagu joojiyey, inkastoo aysan jirin caddeymo uu u soo bandhigay saxaaafadda oo uu ku xoojinayo eedeyntiisa.
Ma ahan markii ugu horreysay ee Puntland eedeymo caynkan ah u jeedo xukuumadda Soomaaliya ee xilligan talada haysa ama kuwii ka horreeyay oo ay mar walba Puntland ku eedeyn jirtay ku xadgudub nidaamka federaalka.
HBN ONLINE TV