Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya 7 ruux, kuwaasi oo loo heysto dil, qalqal gelin amini iyo ku takrifal dhul dowladeed, sida warka maxkamadda lagu cadeeyey.
Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Mahdi Colaad Xiireey, Dable Nuur Daahir Xersi, Dable Xasan Cabdulle Samatar Dable Maxamed Khaliif Xuseen, Dable C/qani Cali Xaaji, Dable Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Axmed Xasan Maxamed oo kawada tirsan Ciidamda Xooga, ayaa sida Maxakamddu sheegtay racfaan ka soo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 4-tii Bishii Agoosto ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday markale.
Ugu dambeyn, Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyada oo maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.
1- Dable Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min 5 sano oo Xabsi Ciidan ah.
3- Dable Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay 7 sano oo Xabsi Ciidan ah.
4- Dable Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay min 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
HBN ONLINE TV

